Tixraac kooban oo ku saabsan Gabayadii Ogaadeen

Halkan waxaan ku soo qaadaneynaa inyar oo ka mid ah beesha eey soomaali oo dhan isku raacday iney yihiin hooyaalkii gundhiga gabaya - waa Absame - Ogaadeen.

Saahid Qamaan - ( Boqorkii Suugaanta 1800-1875'tii ee Doollo Iyo Ciid)

Saahid Qamaan

 

( Gabayganu waa Gabaygii Silsiladii Gubba ee Beesha Reer Ugaas Magan ka dhex dhacday, Waana silsilada Magaca laga miro-fadhay ee Silsiladii dambe ee Rayad la dhihi jiray dusha laga saaray)      *   Dubbadoow nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye    * Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e    * Minjo gooye sidduu noogu dhacay, maadis bay galaye     * Murti iyo addaan kugu ogaa, miiganaan gabay e    * Ha yeeshee haddan maago hadal, waan mutihiyaaye    * Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday     * Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaanne    * Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne    * Maantana maxay noqon siddii, Maxamed loo yaabye     * Middan kalana waa wiilashaan, maanka laga qaaday    * Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e    * Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye     * Miyir waxaad ku wayden iswaal, kuma mihiibtaane    * Muslin kuma cabiidsamo walaan, madaxa kaa goyne    * Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinin     * Midan kalana waa aniga iyo, mid iska sheegayga    * Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo    * Magowshaha haddaan layga siin, maax la dhuranaayo    * Oon meesha taagnahay anoon, murudna la i siinin    * Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto    * Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado    * Saddex magac Allee xaajadaa, layma marinsiiyo     * Haddiise dooga muruqiisu go'o, mirayga jiilaalka    * Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro    * Waw miila qeyb niman hadday, magac wadaagaane     * Masoow aabahay iyo halkii aan, Magan kasoo gaadhay    * Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi    * Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye    * Oon waliba kaga miil cadahay, maydhta diidaniye     * Masalaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo    * Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad sheegto    * Inuu aabihii madar yahay, yuu muuno ku lahaaye    * Muska Ina-Afeey galay aralada, kama miciin moodo    * Siddii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado

Saahid Qamaan - Reer Qoraxey

 

Cali Faarax Dalal, oo Cali Baqalyo lagu naanaysi jiray, Ogaadeena ahaa abwaankii weynaa ee Saahid Qamaana ay isu oday xigeen, ayaa waxaa layidhi beri reerahoodoo Gal-Duur kasoo guuray Bannaanna soo dagay nirig ka guryo noqotay, casarkii dib ugu noqday jabadii laga soo guuray.  Cali ayaa baadi-doonay nirigtii.  Ciiddaa colaadi kama dhammaatee waxaa layidhi, wuxuu u tagay guryahay kasoo guureen oo col Dhulbahante ahi fadhiyaan, show dakanaa horaysaye ciidankii Cali caymo uma galin.   Haddii fiid-dambeed lagaadhay Calina soo noqon waayey, ayaa waxaa layidhi ay dhawr nin u direen si ay u soo hubiyaan waxa Cali helay, dhawrkii nin raad-gooyay sameeyeen waxayna kor kala wareegeen guryahay kasoo guureen, haday arkeen raadka fardaha iyo colka maray meeshana, garwaaqsadeena inaan Cali noolayn, dibayna u soo noqdeen.    Rag talo kama dhammaatee markii ladhagaystay warbixintii nimanka, lana gorfeeyey xaajada, waxay talo ku ibbo-beeshay inaan ragga Cali dilay aaro mooyee aydin geel laga qaadan, waxayna qoyskii Cali ka dhashay isku af garteen inaan ciidan loo qaylo dirsado la sugin ee barito duhurka dharaareed Dhulbahante la weeraro, baaquna waa “Cali Baqalyo yaa arkayeey.”   Hadday weerarkii kasoo noqdeen, ayaa waxaa layidhi Xirsi Cali oo dhulbahante ahaa, Saahid walaashiina qabay, inan-layaala ahaa ayaa u yimid colkii soo rogmaday.  Xirsi  arag in colku soo libaystay, tuhunna in Saahid oo weerar bixiyey reera dhan oo Xirsi tolkii ahna digo iyo danbas kasoo yeelay uusan gabay la’aan ahayn.  Tuhun waa halkiisee, Xirsi isagoo raba inuu yaqiinsado af-kale oo uu ku dhaho jabkii reerkanaga aad soo gaadhsiiseen iiga waramana aan garanaynin ayuu wuxuu  yidhi:  Saahidow ii tiri gabaygii?     Saahid oo ka xishooday seedigii oo waliba inan-layaal ah inuu gabay dhaadasho ah u sheegana diidan ayaa ku jawaabay, “gabay aan kuu sheego ma hayo Xirsow.”  Haddii dhawr jeer la isku celceliyey ii sheeg iyo waxaan kuu sheego ma hayo, raggii meesha fadhiyeyna ku qoddeeyeen in abwaanku gabayga mariyo ayuu Saahid yidhi:    ·        Ilma Raage liig uma godlaan, sidigtii loolaade ·        Lurka-kacay Bah Iidoor, sow leexa kama duulin ·        Cali-Geri ladaadyada hurdada, sow ma ladi waayin ·        Lug intuu ka jabay Gaaruf, sow low ma kala haadin ·        Laagaha Reer Jaamac, sow lugi ma naafoobin ·        Libaaxaan ka dilay Reer Mataan, sow uma laddaadyoonin   Ma dhanna...   Halkaa ayuu Saahid gabayga joojiyey.  Raggii hore wax il dheer buu ahaayee markuu Saahid gabayga halkaa joojiyay ayuu Xirsi Cali yidhi “waar gabaygu ma dhannee dhamaystir?” Saahid oon markan wax badan la daahina wuxuu gabaygii ku soo xidhay:   ·        Xirsi Cali ma laylyamay haddaan, lumiyay Reer Jaamac   Xirsi hadduu gabaygii dhagaystay, arkayna sida xaal noqday ayuu talo kuma rafane awrtiisii caynka hoosta ka gashaday, laba caano-maal kaddibna ciddoodii ku furtay.   Colaadiba ha jirtee dadku qaraabo iyo ehel wada dagan buu ahaaye, Xirsi wuxuu reerkoodii ugu tagay shan nin ooy Saahid isu xigaan inan-layaala u ah reerka.  Dhaqanka Soomaalidu wuxuu ahaa inaan maganta, maatida, musaarfurka, cullimada mudan, maxasta oo ay soo hoosgalayaan dumarka iyo da’du, inan-layaalka, iwm la dilin haddii ay ilaaliyaan xeerka magan-galyada siiyey.  Xirsise xeerkaasi ma celinee wuxuu si degdeg ah u tusmaystay in aaro kobtii ugu dhawayd ay tan tahay, shantii nina halkii baa loogu guduudiyey.   Haddii muddo la joogay colaaddiina aysan weli qaboobin, ayaa waxaa la yidhi wiil Xirsi dhallay oo Baynax la yidhaahdo, Saahidna abti u ahaa isla markaana gabadh ka qabay Saahid qolodooda ayaa soo aaday Ciid iyo Carro Ogaadeen.  Saahid baa yimid reerkii arkayna Baynax oo reerka jooga, isagoo dareensiinaya wixii aabihii falay, iyo sidaan dhalyo gabdheed loogu bariinin kuway iyagu dhalleen ayuu Saahid yidhi:                                                  ·        Arinkaad la timid Baynaxoow, wayla amakaage ·        Waa amar Ilaahay xukmiyay, imashadaadiiye ·        Wayla akeek adiga oo, meesha aaminaye ·        War sow aabahaa kuma ogayn, inan yar baad tahaye? ·          ·        Orod naga tag aaqibo nin lihi, nama ag-joogeene ·        Ajinimaan u dhalanaye, haddaan kaa istixyoono ·        Oon awlaxyada kaaga ba’o, olol siraadaaya ·        Oogada sideed gogoshayada, ugu ibaaxaysay? ·          ·        Sow inuu anfaacigu ku gubo, uurka kama yaabtid? ·        Hadayse gabadhi eed yeelatee, aana noqonayso ·        Abtiyoowda wiilkii lahaa, guriga Reer Aadan     *       Aboodigu intuu cuno tukuhu, orr uma qaadeenee    *          Ma dhanna   Saahid wuxuu Baynax u jeediyey inay gobonimo u dhalasho tahay wiil uu abti u yahayna aysan gacantu u qabanaynin.  Wuxuuse durayaa aabihii dhalay wiilka ee tii horena falay wiilkiisiina warhooy aayar joogoo  Ogaadeen ha aadin ku odhan waayey.  Wuxuu Saahid wiilka ku leeyahay haddii aanu ku dayno sideed gogol iyo gasiin gabadhanadu kuu fidisay ugu leddaa una luumataa, miyaadan sariiganaynin.

.......

Saaahid Qamaan - Reer Warfaa Vs Muxumed Kooshin Warfaa - Reer Amaadin

 Muxumed Kooshin Warfaa  Geel uu kasoo qaaday Reer Dalal kadibna loogu soo ergeeyey in la celiyo ayuu gabaygan ka tiriyey Muxumed isagoo wacad ku maraya inaan hal qudheetihi dib uga noqonaynin.  Saahid jawaabtiisii hoos ka eeg.  Wuxuu yidhi Muxumed, Allaha u raxmee: ·         Haddii dhalasho laysugu dabcoo, hilib wax daaweeyo ·         Ama dawlad laga yaabi iyo, dab iyo laandheere ·         Hashaan daalaney Dalal Ugaas, shalay u deyn waayey   ·         Een duubigii iyo ku diley, doorki Bah Xawaadle ·         Een daba xidhkii maali jirey, dib uga sii luudshay  ·         Dalba-Goroyo leyey nin lihi, deeq u bixin u waayey ·         Duulkii lahaayoon baryaa, ima daweeyeene ·         Xaq ku dooni maayee hashuu, damacu ii geeyey   ·         Allow darajo hay siin hadday, dib u awaareyso ·         Waa kaan duqeygii ku xidhay, dogabkii Baar-Jeexe ·         Waa kaan ka soo degay intaan, dhaar ku sii daraye ·         Dibna inaanan uga laabanayn, riday dalaaqdiiye   ·         Anigiyo Ilxaan baw darayn, dirir galkeediiye ·         Durkiyaay markuu Aadan Qaash, nagu danuukhyeeyey ·         Maxaad Roobku waa damman yahee, hadalka deeqsiiya ·         Dawac Reer Shirshoore ah muxuu, igu dul nuunaasi     

Saahid Qamaan- Reer Qoraxey

 ayaa dakanadii laga hayey dabagalay oo soo dhacdasay, markaa kadib ayuu gabaygii Muxumed ka jawaabay oo wuxuu yidhi:       * Abbaan duulaha colkii, ubaxa lay saaray    * Odolkaan la kacay wiilaashaan, aaladda u qaaday    * Godob lama ilaawee haddaan, uunka kale dhaafay    * Sow kuma abbirin reerahaan, horay u eedawnay       * Axmed awlaaddiisii sidkaha, uma aloosaane    * Af-fur looma shubo wayso, oo caana  ka abaadye    * Afka buurigii kakaga ingagay, yuu Ilxaan dhigiye    * Ha afuufo buunshaha waa, addoon dhacane       * Eedoolihii bay ka cabtaa, dararkii ooyoodo    * Afmeerkii Bankaan dagniyo, ilihii Ceel-Xaare    * Waxaa ayro lagu foofiyaa, oogadii sibiye    * Arlo aysan ka baqanaynin bay, ku umulaysaaye       * Waakaa ardaaga noo asturay, era-dhawgeediiye    * Waakaa alaylkii laxigi ????    * Waakaa abeerkiyo laqalay, oofa waynaha e    * Ugaaska iyo arbaha Faatula ah, iyo aaqilka Xuseena    * Islow Cumar Islaankii Carte, aarka Maxamuuda    * Amakaarka gamaadii iyo, Ururta reer Boona    * Arinka masoo Xaajadii abb  iyo, wiil gaadhay    * …………. aradkuu fadhiyo dawlo ka idlaatay    * Intaasoo islow nahay, ul iyo diirkeeda    * Oo igu ardaayayn anoo, ila-xidh wayn jiifa    * Oo Adari kuu wada fadhiya, maalintaad imane    * Ashkatiyo Ararsaba anaa, kaaga oday roone ·        Asiiryahow waxaan kugu ajali, oodda kula taale     * Inaad addoon dhaba tihiin, haatan ma ogaatay? Biixi Aw-Cumar ayaan ka helay gabaygan kore. Dhacdadan waxaa kaloo ka gabyey rag kale oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Aadan Cidhibeey, Maxamed Cumar Qoobane, iyo Babayad Muxumad Kooshin, wiilkii curad ee Muxumed Kooshin Warfaa oo maalintuu 17 jirsaday gabyey maadaama oo aabihii xilligaa ka hor geeryooday.  Maxamed Aadan Cidhibeey oo geel laga soo dhacay wax kasoo dhiciyey ammaanduulihii ragga geela soo dhacayna lagu dilay waa kii lahaa:     *       Bahyarawda waad heli kartiin, Ina Bah Gaalaaade    *       Baas idin ma heleen hadaad, shalayto beydhaane    *       Bah Sheekhaashta oo wada fadhida, Ban iyo Ceel Weyne    *       Oo buurihii Yabaru iyo, banka daaqeeysa    *       Banaankii Alaabaad markay, baarax olollayso    *       Beeshay ahaayeen kuwii, bahalka loo oogay    *       ...  Maxamed Cumar Qoobane isna waa kii soo faray isagoo muujinaya inuu dakanada maqan iyo geela laga soo qaadayba ka aargoosan doono:     *       Adigaa dhulkii iyo u kici, Dhuxun hareetiiye    *       Dhicis iyo Cabdi iyo Muxumad baan, dhawr hal kuu fariye    *       Dhamaantood u gee waa fariin, dhagax ka waaweeyne      *       Dharcastii bari yaan kale iman, dhude yar maadhiine    *       Dhalinyarada habaryoonis, yaa ila dhawaateeyne    *       Dhugad iyo Makaahiilna waa, is dhinac dagaynaaye    *       Haaruun dhegadlana reeruhuu, dhaaxa buuxsamay    *       Ee geelii inuu dhaadhaco oo, wabiga uu dhaafo    *       Iyo in aan kaa dhaco oo aan, dhudina kuu cayman,    *       labadaa mid uun dhawr nabsaa, dhiisha kuu galaye    *       ...  Gabaygaasi markuu yimid, Muxumed Kooshin Warfaa oo Reer Amaadinka af-hayeen u ahaa wuu mootanaa waxaa jawaabay wiilkiisii curad Babayad oo wuxuu ku bilaabay:     *       Bahyar ninkii lagu maqlay yay, barigii aadeene    *       Sidii bawiyo ooman oo, mayeygu soo buuxshay    *       Ama ceel birqod ah oo aroor, maaxda laga boobay    *       Ama aar intuu neef barkaday, beerka ka higooday    *       Ama budhun maqaareey ah oo, bidhaha loo qaaday    *       Ama bowlihii saarka oo, lagu bilaashqooqi    *       Boodaanka ii yeedhay yay, bu’atay laabtiiye    *       Afka beenta laga sheegay, yaan baaji leeyahaye    *       aan badalo hadalkii Maxamed yaan, baadi doon ahaye      *       Buur guduudyo iyo saalumo yay, bila ka fooftaaye    *       Banaankii Gilaad yay Cillaan, barawax daaqdaaye    *       Baacdeeda lama soo qabto  oo, tiigtu waa u buro’e    *       Ban jiifweeye oo laguma dayo, xero bidhaanteede    *       Iyo baatirteedii candhada, boog isugu yeeshay    *       Nin baahaniba wuu ogyahay, baylahday tahaye    *       Bilaash looma daynine horaa, looga baalmaraye      *       Boodhkaad arkaysaana waa, booqashadeediiye,    *       Birqodkii Halowyaan rabaa, in aan u baadhaaye    * Baarjeex in lagu soo horo yaa, beesha loo raraye

.............

 

Xuseen Hudle- Reer Qoraxey

Awr jamal ahaan jiray hadii jaawo lagu qooqsho
jinsi waalan weeye, haduu aburka jeegeeyo
jilinka iyo abaahada, haduu waayo ula joogo
Goojada inuu wada jimado, jaad ugo'ay weeye
Jalowjalowda naag xun hadeey jalaqsi deyn weydo
Ninkeedii jeclaa hadeey jaari ula joogto
In dalaaqda Jiir lagaga dhigi, jaad ugo,ay weeye

.....

 

Xuseen Hudle - Reer Qoraxey

Gabaygan hoose waa gabay aan dhameystirineyn oo ka socda silsiladii reer ugaas cilmi ee sadex geesoodka aheyd - Rer xirsi, Reer boon iyo Reer faarax.

Reer Boon Qab lagu waaray bey rag isku waayeene
Dhalinyaro iyo waayeel waxey qabaan, Waali kibir tuuxe
War Biyowday reer faarax waan uga wareegnaaye
WiiWiida qeylada haduu adhiga weer laayo
Iyaguba Reer Wareeruhu Dagaal weey u waajiliye
Walaalooyinoow Laba zabaan daaya warankeena
Waraqyada Cagaal oo soo rogmaday, warasna soo daaqay
Wax ma fiirsho reer mudhux haduu doox waraab galee
Walaalooyinoow laba zabaan daaya warankeena
....

Aw-Aadan Aw-xuseen - Reer Qoraxey

Gabaygan hoose isna waa isla gabayadii silsiladii reer cilmi, wuxuu yidhi sidtan

" Dooxii Hataan tago, Ninkaan Dili ma heybsheene

Da' idhaaftay waayaye, Waramaha dibada ii dhiiga"

Xuseen Hudle - yaa marlabaad ku noqday isagoo goodin haya

Qardoof iyo Af xumo wiil yaroo loo diraan ahaye
Dacayweyne Aarna waa iga dambeeyaaye

Aw-Aadan Aw-xuseen - Gabaygan hoose Aw-aadan wuxuu udiray Geeska eey is hayeen, Abwaankii la odhan jiray Dhoonyacab.

Aw-Adan Aw Xuseen-  Reer Qoraxey

Qudha seege, Qaaranka gabe, Qoodh iyo xero beele
Qowlkii rag isku ogaa, Qaali isaga yeele
Qowmka reer shishoorana maxaa qoorta ii galiyay

...

Silsiladii in muddo ah markii eey socotay, Yaa Dhoonyacab oo caraabe ah dhexda ku heleen nimankii eey ishayeen, Dhoonyacab geesnimo iyo murti nin loo qiray buu ahaaye, wuxuu codsaday inaan la dilin isagoon gabyin.

Sidan yuu ku bilaabay

Ana Idila, Idina waad idaba galeysaane

Aqal Labadii Daah Baan nahoo, Kala dambeyn meynee

Dan halooga Baxo, Reer Cilmaa Doonay Aakhiree.

......

 

Cabdi Xirsi Muxumed ( Geel Amaan) Reer Qoraxey

Ranka boodaleey iyo markeey rarrane daaqeysay
Ee dhaayin hoos uga dagtee ilo ramuuqeysay
Rijaalkeeda qoodha ah markey doobta rowraminayay
Rastadii loo qoray markey daba rabaaseesay
U run sheegtay laba raafle iyo raadyaroo adhiye
...

Xaashi Xuseen Cilmi ( Ku digasho) - Reer Qoraxey

- Digta waagii la galay dibiga meeshiisa- Ooy deero oo ololo iyo Dumarku Oooyaayay- Dulibaa ku dhacay wiilashii dowga hoos galaye- Ina diiriye iyo daahir baan galin dagaalkiiye- Xasan daa durduriyay oo ka tagay sidigtii diihaale- Axmednuurna ceebtuu dalbaday yaan la diir gubane- Ina Sheekhna waakad garan, dowyuhuu maraye- Cabdulaahina qorigii ka durug taniyo diishiiye- Goor lakala daalay yuu daanka soo dhigaye

- Dab uruursadaay Walaa rag isku daadsadaye

....

 XAASHI XUSEEN CILMI CARTE - Reer Qoraxey

 - Digta waagii, Goortii Lagalay dibiga meeshiisa- Ee duuda hoosiyo, Qorijab Daaceede- Ee dooxa hoosiya, Cilaan diisha lagu qaaday- Duhurkii Markii Laga duwee Xerada loo ooday- Ee deyrinkeedii Ableey danani loo qaatay- Saate ninkii lagu dayo kama duudsi qaateene

- Ku dareera Reer Dalal, Mar waan celin Dagaalkiiye

 

....

 

Cabdi Xirsi Muxumed - Warka caawa wadna iyo iigu yimid guriga weeraare- Ee niman wadada soo hayiyo wiilka yaru shegay- Waagaan Yaraa iyo Hadoo Gadh igu weegaarmay- Aboow Weedhan Weedh iiga roon wali ma ii yeedhay

 

...

 

Cilmi Raage - Reer Qoraxey

 

- Waxaad sii jagleeysaba hadaad buuro badan jeexdo- JiifQaadke leylkii Markaad ooda kor ujiido- Jirab weeye xaabada ninkii loo jajabiyaaye- Nimaan jeenka geel loo shubeyn wadnuhu dib ujaliilyooye- Jaliiloow Allahayoow na sii johorod waa Geele

 

AW-ADAN AW-XUSEEN - Reer Qoraxey

- Arin Loo wada faqaan arki jiray fil iyo waayeele- Fudhuqdaasu waa waxaan ku nacay niman falaadkoode

 

 

 Xaashi Xuseen Cilmi Carte - Reer Qoraxey - Kabihiina weey iga gubteen lagana soo guur dheh- Gooraan masoo rogo karoo geeri baan ahaye

-Gurigii shalay laga guuray baan gudub u'aalaa dheh

 

  

Qoorlex - Reer Nogbeed

 - Nin muraayadeey lowga midig meeriyaan ahaye- Muslim ii dhow kuma roori karoo , Mayayna soo hooryi- Maatada inaan soo dhex maro waan ka maarsadaye

- Meel ii banee ina abtaay kuu martaan ahay

 

 

Maxamud Cali Beenaaley - Reer Dhagaxbuur - Lade caanaheeda iyo anoo labanka fuudaaye- Nimanbaa ila laamiyoo ii laabay fiide- Labarna yaana qaadine, hadaan kaa lug baxo maanta

- Walee aniga oo ladan busloow kuguma soo laabto

 

 Maxamuud Xasan - Reer Qoraxey -Nafiis iyo niyaaliyo ragaa suuqa wada naadhin-Nasiib lagama roonoo rabaa noohida dhigaye

-Nacas iyo nin liitiyo maxaa naago lacag siiyay

 

 Maxamuud Xasan -  Qoraxdoo duhur joogta, waxaan fiilo dheer ku gaadhay- Axmaar waa dar Xumoode, Qotiyaal afku diirmay waxaan dar la wadaagay- Canjeero ka weyn hal waaxdeediyo- Aniga ha igu soo wadin wadidan baas

 

....

Falanqeyntii iyo dulmarkii aan qeyb idinka tusnay hordhac bey aheyd, Iyadoo malqaxan oo afmeer madaxa loo saaray ha udeymo la,aan PT2 iyo qeybaha kaleba

 
 

 

 

 

 

 


 
< Prev   Next >